Kiisaska Coronavirus oo laga soo tabiyay Kuwait iyo Baxrayn

Wadamada Kuwait iyo Baxrayn ayaa markii ugu horreysay lagu arkay kiisas la xiriira caabuqa Coronavirus ee ka soo billowday Shiinaha kaasi oo dunida ku sii fidaya.
Dhanka kale wadamada Turkiga Pakistan iyo Armenia ayaa xiray xuduudda ay la wadaagaan wadanka Iiraan kaddib markii la xaqiijiyay dhimashada 8 qof oo uu noloshooda cudur sidahan galaaftay.
Sido kale dowladda Afghanistan ayaa soo saartay xayiraado dhanka safarrada ah.
Talyaaniga waxaa laga soo tabiyay ugu yaraan 152 kiis iyo saddex dhimasho.
Baxrayn ayaa sheegtay in caabuqa Coronavirus lagu arkay muwaadin ka yimid Iiraan sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.
Kuwait ayaa dhankeeda diiwaangelisya saddex kiis sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee KUNA oo soo xiganaysa wasaaradda caafimaadka..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here