DHAGEYSO:Kiisaska Covid-19 ee dalka oo gaaray 246

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday in maanta la xaqiijiyay 12 kiis oo dheeraad oo la xiriira cudurka Covid-19 .
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska ilaa iyo hadda ay dowladda sheegtay ka dhigaysa 246.
Mr. Kagwe ayaa xusay in 5 ka mid ah 12-ka qof ee ugu dambeeyay ee uu cudurka haleelay ay ahaayeen shaqaalo hoteel halka 4 ay xiriir la yeesheen dad horay cudurka looga helay
Wasiirka oo faahfaahinaya kiisaska kordhay ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa

Shir jaraaid oo uu ku qabtay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaaladatani Nairobi ayuu ka sheegay in saaka xanuunka laga baaray 450 qof.
Wasiirka ayaa dhanka kale dhigiisa arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i iyo wasiirka gaadiidka Mr. James Macharia ku weheliyay inay guddoomaan daawooyin iyo qalab caafimaad oo laga keenay dalka Shiinaha.
Wasiirka caafimaadka ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in sare loo qaado baaritaannada iyo dabagalka lagu sameeyo dadka bukaanada la macaamilay si loo xakameeyo faafitaanka gudaha.
Dowladda ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda 10,784 qof laga baaray cudurka.
Diyaaradda shirkadda qaran ee Kenya Airways ee ka soo degtay garoonka JKIA ayaa sidday 500,000 oo maaskaro ah iyo 200,000 oo ah qalabka baaritaannada iyo dhalooyinka lagu shubo dhacaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here