Kiisaska Covid-19 ee dalka oo markale kor u dhaafay 600

Kiisaska Viruska Corona ayaa waxay gareen 43,143 ka dib markii la diiwaan galiyay 602 kiis oo cusub. Afar iyo labatankii saac ee anu soo dhaafnay waxa Viruska laga baaray 5,618.
War saxafadeed ay soo sartay Wasarada maanta oo khamis ah ayaay ku sheegtay in 585 Kenyan yihiin halka 17 kalana ajaaniib yiihiin.
Xaaladahan cusubu 407 halka 195 rag yihiin. Bukaanka ugu yar waa ilma hal sana dhalan, kana ugu wayn da’adiisu waa 93 sano.
Loosasla cusub ayaa waxa laga diiwaan galiyay Ismaamulada kala ah Nairobi 133, Nakuru 47, Uasin Gishu 47, Kilifi 46, Kisumu 46, Mombasa 44, Kericho 32, Kakamega 28, Turkana 25, Kisii 21, Machakos 20, Laikipia 13.
Nyandarua 12, Bungoma 12, Kiambu 11, Nandi 10, Busia 7, Kajiado 7, Baringo 6, Garissa 6, Pokot Galbeedka 5, Nyamira 5, Makueni 3, Nyeri 2, Embu 2, Siaya 2, Bomet 2, Vihiga 2, Lamu 1, Wajir 1, Samburu 1, Narok 1, Murang’a 1 iyo Meru 1.
Wasarada ayaa waxa sido kale shaacisay in 8 bukaan ah ay u geeriyoodeen xanuunka taasi oo ka dhigeyso wadarta guud ee bukaanada u dhintay xanuunka 805.
Wasarada ayaa sido kale xustay in 80 ay ka caafimaden Viruska Corona, 51 waxa lagu tacaalye guryaha halka 29 laga soo saaray xaruumaha caafimaad. Tiradaasi ayaa waxay wadarta guud ka dhigeysa 31,508.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here