Kiisaska COVID-19 ee Kenya oo dhaafay 3,000

Xaaladaha cudurka COVID-19 ee laga xaqiijiyay gudaha dalka ayaa ka sare maray 3,000 ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la shaaciyay 105 dheeraad ah.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in kiisaska guud ee wadanka ay hadda yihiin 3,094.
96 ka mid ah dadka laga helay fayraska ayaa ah Kenyaan halka sagaalka kale ay ka soo kala jeedaan wadamo kale.
Dr. Aman ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la baaray 2,273 qof.
Dadka laga helay cudurka ee maanta la sheegay waxaa ay da’doodu u dhaxeeysaa 2 sano ilaa 77 sano jir.
175 bukaan oo hor leh ayaa cudurka ka bogsaday waxayna tani tirada dadka ee Covid-19 ka caafimaaday laga soo billaabo koowdii bishii Afaraad ee sannadkan ka dhigaysaa 1,048 qof.
Hal qof oo dheeraad ayaa u dhintay cudurka waxayna hadda dhimashada guud ee dalka maraysaa 89.
Dowladda ayaa maanta shaacisay tiradii ugu badneyd ee maalinla ah ee xanuunka ka bogsatay halka Dr. Rashid Aman uu arrinkan u aaneeyay dadaal dheeraad oo ay muujiyeen howlwadeenada caafimaadka.
Dadka ugu dambeeyay ee fayraska laga helay ayaa isugu jiro 77 rag iyo 28 haween ah.
43 ka mid ah dadkan waxay ku nool yihiin ismaamulka Nairobi ee caasimadda dalka Busia(18), Mombasa(11) Turkana(7)
Migori (6) Kwale (5), Kiambu (5), Kilifi (3), Machakos (3), Taita Taveta (2) , Kisumu (2), Uasin Gishu (1), Kajiado (1), Siaya (1) iyo Garissa (1).
Gudaha Nairobi xaaladaha cusub ayaa laga diiwaangeliyay deegaanka Ruaraka oo ah (14) Lang’ata (5)Waqooyiga Dagoretti iyo Kamukunji oo min afar kiis ah, galbeedka Embakasi , bariga Embakasi iyo Kibra oo min saddex xaaladood ah ,Starehe iyo Westlands min laba kiis , Makadara, Mathare iyo Koonfurta Embakasi oo min hal kiis ah.
11-ka kiis ee Mombasa waxaa laga kala helay deegaanka Kisauni (5), Likoni (4) iyo Mvita (2).
Dhammaan kiisaska maanta ee ismaamullada Busia, Turkana, Uasin Gishu, Kisumu iyo Taita Taveta waxa laga helay wadayaasha baabuurta xamuulka oo ku kala sugan Malaba, Nadapal, Turbo, bartamaha iyo Taveta .
Ismaamulka Migori, 4 kiis waxaa laga xaqiijiyay deegaanka galbeedka Kuria halka deegaannada Nyatike iyo galbeedka Suna min hal kiis laga soo tabiyay.
Kiiska Siaya waxaa laga helay qof ku sugan deegaanka Rarieda halka midka ismaamulka Garissa laga diiwaangeliyay Dadaab.
Kiiska Kajiado waxaa laga xaqiiyay dhanka bari.
Kiambu, laba xaaladood waxaa laga diiwaangeliyay Ruiru halka Juja, lari iyo magaalada kiambu min hal kiis laga xaqiijiyay.
Saddexda kiis ee ismaamulka Kilifi waxaa laga helay Rabai halka xaaladaha laga soo sheegay Machakos iyo Taita Taveta laga kala xaqiijiyay Athi River iyo dhanka xadka ee Taveta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here