Kiisaska COVID-19 ee Kenya oo gaaray 23,202

Kenya ayaa diiwaangelisay 605 kiis oo dheeraad ah oo ah cudurka COVID-19 kadib markii la baarey 4,547 qof, taas oo tirada guud ee dalka ka dhigeysa 23,202.
Shir jaraa’id oo uu qabtay xoghayaha wasaaradda Caafimaadka Dr. Rashid Aman ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in lix bukaan oo kale ay u dhinteen cudurka coronavirus taas oo tirada dhimashada ka dhigtay 388.
587 bukaan dheeraad ah ayaa iyaguna ka soo kabsaday fayraska; 500 ka mid ah tirada ayaa ahayeen kuwo hoos yimaada barnaamijka daryeelka guriga-ku-saleysan iyo 87 laga soo saaray cusbitaalada, taasoo tirada guud ee soo-kabashada ka dhigtay 9,327.
605 kiis Nairobi ayaa leh tirada ugu badan waana 373 halka ay ku xigta Kiambu (35), Migori (25), Busia (20), Narok (20), Kajiado (16), Laikipia (16), Nakuru (15), Kakamega (12), Uasin Gishu (11), Machakos (10), Mombasa (9), Samburu (8), Turkana (7), Murang’a (5), Kericho (5) iyo Taita Taveta (3).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here