Kiisaska COVID-19 ee khaliijka oo ka batay 400 oo kun

Jaamacadda John Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha ku soo kordhaya cudurka Covid-19 ayaa sheegtay in kiisaska coronavirus ee wadamada khaliijka ay hadda kor u dhaafeen 400,000.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dowladaha wadamadaas ay hadda billaabeen inay xayiraadaha fududeeyaan.
Xaaladaha Coronavirus ee dalka Filibiin ayaa ka sare maray 33,000 kaddib markii la diiwaangeliyay 778 oo dheeraad ah.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in tirada guud ee xaaladaha fayraska ay hadda yihiin 33,069.
Dhimashada ka dhalatay Covid-19 gudaha Filibiin waxaa gaartay 1,212 kaddib markii 8 qof oo dheeraad ah ay geeriyoodeen.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda sheegaysa in kiisaska fayraska ee caalamka la filayo in toddobaadka soo socdo ay gaaraan 10 milyan.
Ilaa iyo hadda guud ahaan dunida waxaa uu cudurka Covid-19 haleelay ugu yaraan 9.4 milyan oo qof waxaa ka caafimaadday 4.7 milyan halka ay u dhinteen ku dhawaad 483,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here