Kiisaska covid-19 ee qaaradda Afrika oo kor u dhaafay 2 milyan

Xarumaha Afrika ee Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ayaa Khamista sheegay in kiiska Covid-19 ay kor u dhaafeen 2 milyan qaaraddan Afrika.
Warbixintii ugu danbeesay ee ay soo saartay xaruunta ayaa lagu sheegay in kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin 2,013,388 halka dadka u dhinta xanuunka qaarada ay gaartay 48,408.
Qaaradan oo ka kooban 54 wadan ayaa dadka ka caafimaaday xanuunka ay yihiin 1.7 milyan sida xaruunta ay shaacisay.
Wadamada uu sida ba’aan u saameeyay xanuunka ee qaarada ayaa kala ah Koonfur Afrika , Morocco, Masar iyo Itoobiya.
Koonfurta Afrika ayaa ah gobolka tirada kiisaska iyo dhimashada ugu badan laga soo tabiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here