Kiisaska Covid-19 ee Uganda oo gaaray 413

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

Dowladda dalka Uganda ayaa diiwaangelisay kiisas cusub oo la xiriira cudurka Covid-19 kuwaasoo gaaraya 84.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga xaqiijiyay gudaha wadankaas tan iyo bishii saddexaad ee sannadkan.
Wasaaradda caafimaadka ee Uganda ayaa maanta sheegtay in tirada guud ee kiisaska fayraska corona ee ilaa iyo hadda la xaqiijiyay ay tahay 413.
52 ka mid ah kiisaska cusub waxaa laga helay wadayaasha baabuurta xamuulka oo 50 ka mid ah ay dib uga soo laabteen dalka Suudaanta Koonfureed halka labada kale la sheegay inay ka tageen Kenya.
Ilaa iyo hadda waxaa cudurka gudaha Uganda kaga bogsaday oo isbitaallada laga saaray 72 qof.
Madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni ayaa berri la filayaa inuu ka hadlo xaaladda ka taagan wadankaas iyo tallaabooyinka dheeraadka ah ee ay dowladiisa qaadayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here