Kiisaska Covid-19 oo dalka Uganda oo gaaray 44

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku nool wadanka Uganda ee laga helay cudurka Covid-19.
Ilaa iyo hadda gudaha dalkaas waxaa laga xaqiijiyay 44 kiis.
Tani ayaa timid kaddib markii shalay 11 carruur ah uu xanuunka haleelay.
Natiijadan ayaa ka soo baxday baaritaano la xiriira Coronavirus oo lagu sameeyay 176 qof.
Madaxweynaha dalka Uganda Mr . Yoweri Museveni ayaa sheegay in carruurta ay cudurka ka soo qaadeen dibadda dalkaas.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo Bandow laba toddobaad jiraya uu ka dhaqangalay wadanka Uganda si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here