Kiisaska COVID19 ee dalka oo kor u dhaafay 32,000

Xaaladaha caabuqa corona ee ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay gudaha wadanka ayaa ah 32,118.
Tani ayaa timid kaddib markii galinkii dambe ee shalay wasaaradda caafimaadka ay shaacisay 355 xaaladood oo cusub.
Tirada dadka gudaha wadanka kaga caafimaaday cudurka ayaa ah 18, 453.
Dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ee Kenya ayaa ah 542 qof.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in qiyaastii lix bilood fayraska corona laga baaray dheecaanka dad dhan 417,804.
Toddobaadkii ugu dambeeyay waxaa ku dhawaad kala bar yaraaday kiisaska maalinlaha ee laga diiwaangeliyo gudaha dalka.
Hasa ahaate wasaaradda caafimaadka ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin inuu jiro hoos u dhac ballaaran oo dhanka xaaladaha fayraska.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shacabka ugu baaqday inay sii wadaan u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafidda cudurka.
Waxaa uu baaqan ku soo aadaya iyadoo la saadaalinaya in bisha sagalaad ee sannadkan ay kiisaska sare u sii kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here