Kiisaska cudurka korona ee dalka Mareykanka oo gaartay 1 milyan

Tirada dadka uu ku dhacay fayraska korona guud ahaan caalamka ayaa gaartay in ka badan 3,148,000 waxaana u dhintay in ka badan 218, 000 oo qof.
Waxaa cudurkan dunida halakeeyay ka caafimaday tiro kor u dhaafeeysa 962,000.
Dalka Mareykanka waxaa lagasoo tabiyay kiisas kor u dhaafaya hal milyan waxuuna nolashoodu galaftay in ka badan 58,000 oo qof.
Wadanka Fransiiska ayaa sheegay in uu bilaabi doona tijaabin dheeraad ah iyada oo la khafiifinayo xayiraadaha saaran wadankaasi laga bilaabo 11-ka bisha May.
Jarmalka waxaa uu durbaba dabciyay xayiraadaha waxaana dadka loogu baaqay inay guryahoodu joogaan maadaama uu cudurkan soo laba kacleyn karo.
Dalka Spain, wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in la helay 325 kiis oo cusub, tiradan oo ka badan midii la diiwaan geliyay maalin ka hor oo ahayd 301.
Tirada dhimashada ayaa waxaa ku kordhay 453 waxayna hadda gaartay 24,275.
Dalka India waxaa sare u kacday tirada dhimashada iyada oo 24-kii saac ee la soo dhafay ay dalkaasi ku dhinteen 73 qof waxayna dhimashada guud ka dhigeysa 1,007, kiisaska dadka uu soo ritay COVID-19 waxay dhan yihiin 30,000.
Kiisaska ugu badan ee COVID-19 ayaa waxaa lagasoo tabiyay gobolka Maharashtra, oo ay kamid yihiin magaalooyinka waaweeyn ee Mumbai iyo Pune iyo caasimada New Delhi.
Indonesia waxay xaqiijisay 260 kiis oo cusub waxayna hadda kiisaska dalkaasi dhan yihiin 9,771 iyo dhimasho 11.
Dawladda Turkiga waxay kordhisay mudada ay xirnaanayaan iskuulada ila iyo dhamaadka bisha May si looga hortago faafitaanka fayraska korona.
Wadanka Turkiga ayaa xaqiijiyay ku dhawaad kiisas dhan 115,000 iyo dhimashada 3,000.
Ruushka ayaa lagasoo sheegay kiisas cusub oo dhan 5,841 waxayna tirade guud ka dhigeysa 99,399.
24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa dalkaasi ugu geeriyooday cudurkan 108 qof tirada guud nah waxaa ay tahay 972.
Dhanka kale madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gargaar caafimaad ah u diray dalka Mareykanka si uu u yareeyo faafitaanka cudurkan oo hadda uu soo ritay dad ka badan 1 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here