Kiisaska dunida laga xaqiijiyay ee Coronavirus oo sii kordhay

Kiisaska caabuqa Coronavirus eel aga xaqiijiyay guud ahaan caalamka ayaa kor u dhaafay 2.7 milyan waxaana cudurka Covid-19 u dhintay 189,970 qof.
Dowladda Canada waxay ballanqaaday inay dhaqaale ku bixinayso soo saaridda daawo cudurka lagula tacaali karo.
Faransiiska waxaa 11-ka bisha shanaad ee sannadkan dhammaanaya xayiraad qaran oo dhanka isku socodka ah iyadoo gurmad loo fidinaya ganacsatada iibiya badeecooyinka tafaariiqda.
Jarmalka waxaa uu adeegsanayaa taleefoonada casriga si dabagal loogu sameeyo kiisaska cusub.
Wasiirka caafimaadka ee Britain, Matt Hancock waxaa uu sheegay in baaritaano lagu sameynaya shaqaalaha fidiya adeegyada muhiimka ah.
Dowladda Giriigga waxay muddo hal toddobaad ah ku kordhisay xayiraadda ilaa 4-ta May.
Kiisaska coronavirus ee koonfurta qaaradda Aasiya waxay kor u dhaafeen 37,000, in ka badan kalabar waxaa laga diiwaangeliyay dalka India.
Shiinaha waxaa uu qorsheynayaa inuu soo iibsado ugu yaraan 30 milyan oo dalag dheeraad ah.
Madaxweynaha dalka Filibiin ,Rodrigo Duterte waxaa uu ilaa 15-ka bisha shanaad kordhiyay xannibaadda dhanka dhaqdhaqaaqa ee magaalada Manila .
Indonesia laga billaabo maanta waxaa si ku meel gaar ah loo hakinaya duulimaadyada iyo safarrada dhanka badda ee maxalliga .
Malaysia waxay sheegtay inay muddo laba isbuuc ah ku kordhisay amarka lagu mamnuucay duulimaadyada iyo noocyada kale ee socdaalka.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ,Cyril Ramaphosa waxaa uu sheegaya in 1-da May dib loo furaya dhaqaalaha wadankaas.
Guddoomiyaasha 36-da gobol ee Nigeria waxay ku heshiiyeen in laba isbuuc la mamnuuco isku socodka.
Algeria waxay laga billaabo maanta bisha Ramadaan awgeed fududeynaysaa amarrada lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here