Kiisaska faraxumeynta oo ku soo badanaya Lamu

Saraakiisha ammaanka iyo madaxda kala duwan ee ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa walaac ka muujinaya dhacdooyinka faraxumeynta carruurta ee ay gaystaan dadka ehel ahaan ugu dhow.
Dhibaatooyinka nooca ee ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay degmada Hindi ee galbeedka Lamu .
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Lamu, Irungu Macharia ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha booliska ee dowlad deegaankaas Moses Murithi ay si dhow ula socdaan arrintan oo ayna tallaabo sharciyeed ka qaadayaan eedeynayaasha lala xiriiriyo.
Mr. Macharia ayaa dhanka kale dadweynaha ugu baaqay in fal kasta oo faraxumeyn ah lagu wargeliyo booliska.
Warbixinnada booliska ayaa tilmaamaya in sido kale kiisaskan ay ka jiraan Mpeketoni ,Witu iyo Basuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here