Kiisaska fayraaska korona ee caalamka oo kor u kacay

Waxaa ila iyo hadda la xaqiijiyay in ka badan 7 milyan oo kiis oo la xiriira cudurka COVID-19 guud ahaan caalamka.
Sido kale dhimashada ayaa kor u dhaaftay 405,000 halka ay ka bogsadeen 3.4 milyan oo qof.
Balse qaar ka mid ah wadamada caalamka ayaa khafiifinaya xayiraadaha saaran wadamada.
Dalka India waxaa dib loo furay goobaha cibaadada iyo sido kale dukaamada waaweyn.
Wadanka Denmark ayaa soo saaray amar ah in ugu badnaan 50 qof ay isugu imaan karaan goobaha dadweeynaha amarkaas oo markii hore ahaa 10 qof.
Amarkan ayaa la soo saaray 17-kii March.
Dalka Pakistan waxaa ay kiisaska cudurka kor u dhaafeen 100,000 iyada oo uu wadanku si xawli ah ugu fidayo fayraaska.
Dhimashada ayaa dhan 2,121.
Sido kale rai’isul wasaarihii hore ee dalkasi Pakistan Shahid Khaqan Abbasi ayaa laga helay cudurka sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyo xisbigiisa.
Abbasi oo ra’iisul wasaare ahaa muddo 10 bilood ah 2017-kii ila 2018-kii ayaa goob gaar ah isku karantiilayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here