Kiisaska fayraaska koroona ee dalka India oo kor u dhaaftay 200,000

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in kiisaska fayraaska koroona ay kor u dhaafeen 200,000 .
Dalkan oo ah midka labaad ee ugu dadka badan dunida ayaa xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 8,909 waana mida ugu badan ee maalin laha ah waxayna tirada guud ka dhigaysaa 207,615.
Dhanka kale Jarmalka ayaa xayiraadaha safarka ka qaadi doona waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub oo ay weheliyaan Boqortooyada Ingriiska , Iceland, Norway, Liechtenstein iyo Switzerland laga bilaabo 15ka Juun.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda ee Jarmalka Heiko Maas.
Sido kale faafitaanka Covid-19 ee dalka Jarmalka ayaa sababay kor u kac ku yimid shaqo la’aanta gudaha dalkani bishii May.
Qiyaastii 169,000 oo qof ayaa lagu soo daray liiska shaqo la’aanta intii u dhaxeysay bilaha Abriil iyo May, tirada guud ee shaqo la’aantu waxay haatan tahay 2.8 milyan.
Ruushka ayaa diiwaan geliyay 8,536 kiis oo cusub taasoo tirada guud ka dhigaaysa 432,277,.
Dalkan ayaa hadda ah kan saddexaad guud ahaan caalamka oo diiwaan geliyay tirada kiisaska ugu badan.
Tirada dhimashada ee dalka Ruushka ayaa ah 5,215.
Talyaaniga ayaa dib u furaya safarrada ka imaanaya Yurub, saddex bilood ka dib markii waddanku galay xannibaadda cudurka COVID-19 awgii .
Talyaanigu ayaa ahaa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ee si ba’an u saameya caabuqa koroona waxaana ugu dhintay in ka badan 33,000 oo qof.
Dadka ku nool New Zealand ayaa ku laaban karaa “nolosha caadiga ah” sida ugu dhakhsaha badan usbuuca soo socda iyada oo meesha laga saarayo tallaabadda kala fogaanshaha.
Rai’isul wasaare Jacinda Ardernn ayaa lagu wadaa in Isniinta ay go’aan ka gaarto in dalka si buuxda xanibaadaha looga qaado.
Guud ahaan caalamka waxaa uu fayraaska soo ritay in ka badan 6.4 milyan oo qof iyo dhimashada ku dhawaad 400,000 oo qof.
Waxaa cudurka kasoo kabsatay in ka badan 2.7 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here