Kiisaska fayraska korona ee dalka Ruushka sare u kacay

Dalka Rushka waxaa sara u kacay tirada kiisaska la xiriira cudurka COVID-19 iyada oo ay gaartay 353,427 ka dib markii la xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 8,946.
Sido kale waxaa la soo tabiyay dhimashada 92 qof iyo tirada guud oo ah 3,633.
Dalka Indonesia ayaa xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 479 waxayna tirada guud hadda tahay 22,750.
Dalkani ayaa waxaa cudurka ugu dhintay 1,391 qof.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Singapore ayaa isniintii xaqiijisay 344 xaaladood oo cudurka coronavirus ah, iyadoo wadarta guud ka dhigaysa 31,960.
Tirada hoose ee kiisaska Isniinta la xaqiijiyay ayaa sabab u ah tijaabooyin yar oo la qaaday sida wasaaraddu ay sheegtay.
Tirada kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka coronavirus dalka Jarmalka ayaa ku kordhay 289 ilaa 178,570 sida ku cad xogta Machadka Robert Koch Institute (RKI).
Sido kale 24-kii ayaa waxaa dalkan cudurka ugu geeriyooday 10 qof waxayna tirada guud ee dhimashada hadda tahay 8,257.
Waxaa maanta oo isniin ah la filayaa inay dib u billowdaan safarrada gudaha ee dalka India.
Tani ayaa ku soo aadaysa hal maalin un kaddib markii wadankaas laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo la xiriira caabuqa coronavirus oo gaaraya 6,767 .
Waxaa maanta dugsiyada dib ugu laabtay carruurta wax ka dhigta gobolka New South Wales oo ah midka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee wadanka Australia.
Guddoomiyaha gobolkaas Gladys Berejiklian ayaa warbaahinta u sheegtay in waalidiin tiro yar ay weli carruurta guriyaha u joogaan.
Arrintan ayay ku saleysay walaac ay waalidiinta qaar ka muujinayaan cudurka sii faafaya ee COVID-19.
Wasiirka dalxiiska ee dalka Spain ayaa sheegay in dalxiisayaashu ay dalka imaan karaan laga ilaabo bisha Luulyo iyada oo ay u muuqato in meesha laga saarayo labada toddobaad ee lagu karantiilayo dadka wadamada kale ka imaanayo.
Wadanka Spain oo ka mid ah wadamada uu sida xun u saameeyay cudurka COVID-19 dunida ayaa ku tiirsan dalxiisayaasha waxayna si tartiib ah u dabcinaysaa xayiraadaha.
Madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa sheegay in cudurka COVID-19 uu sababay inay lumaan hal milyan oo shaqooyin ah maadaama warshado badan la xiray.
Ila iyo hadda in ka badan 5.3 milyan oo qof ayuu ku dhacay caabuqa koroona guud ahaan caalamka halka ay u dhinten ku dhawaad 350,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here