Kiisaska fayraska korona ee dalka Suudaan oo korortay

Suudaan ayaa xaqiijisay 43 kiis oo cusub oo ah fayraska korona ee sababo cudurka COVID-19, taas oo tirada guud ee kiisaska ka dhigaysa 318.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa sido kale lagu sheegay in saddex dhimasho ah lasoo tabiyay waxyna wadarta guud ka dhigeysa 25.
Sido kale wasaaradda ayaa sheegtay inay jiraan 10 qof oo ka caafimaaday cudurka waxaana guud ahaan tirada dadka kasoo kabatay caabuqa ay tahay 31.
18-kii bishan ayaa caasimadda Khartoum la geliyay bandow buuxa si loo xakameeyo faafida cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here