Kiisaska fayraska koroona ee caalmka oo kor u dhaafay 5 milyan

In ka badan 5 milyan oo kiis oo la xirriira fayraska koroona ayaa guud ahaan caalmka laga xaqiijiyay sida ku cad warbixin ay uruurisay jaamacadda Johns Hopkins.
In ka badan 328,000 oo qof ayaa sido kale cudurkan u dhintay halka ay ka bogsadeen ku dhawaad 2 milyan oo qof.
Dalalka kiisaska ugu badan xaqiijiyay ayaa waxaa ka mid ah Mareykanka, Ruushka, Brazil, Boqortooyada Ingriiska iyo Spain.
Dalka Brazil ayaa laga cabsi qabaa inuu noqdo wadanka labaad ee dunida uu sida xun u sameeya fayraska iyada oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ugu dhinteen dad gaaraya 888 iyo kiisas dhan 20,000.
Rai’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa sheegay in caasimada Tokyo iyo gobolada u dhaw laga yaabo in laga qaado xaalada deg dega ee saaran isbuuca soo socda iyada oo tirada kiisaska fayraska ay hoos u dhaceen.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee Boqortooyada Ingriiska ayaa bilaabi doono inay ka qayb qaataan tijaabada caalamiga ah ee ay hoggaaminayso jaamacadda Oxford ee labada daawo oo loo adeegsado duumada si loo ogaado inay ka hortagi karaan COVID-19.
Sido kale waxaa qayb ka ah mida madaxweeynaha Mareykanka Donald Trump uu soo jeediyay.
Dalka Ruushka kiisaska dhimashada ayaa gaaray 3,099 ka dib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay geriyoodeen 127 qof.
Xaaladaha guud ee dalkaasi ayaa dhan 317,554.
Kooxaha bulshada rayidka ee dalka Indonesia ayaa uga digay dowlada in aysan ku deg degin khafiifinta xayiraadaha dalka, maadaama tirada kiisaska iyo dhimashada ay sii kordhayaan.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in wadanku uusan joojin doonin gargaarka uu siiyo wadamada shisheeye sababa la xiriira cudurka COVID-19 iyo in loo baahan yahay gargaar dheeri ah oo loogu deeqo wadamada saboolka ah.
Dhanka kale hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa ku warramaysa in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la xaqiijiyay 106,000 oo xaaladood caalamka, waana tii ugu sarreysey maalin keliya, taas oo sare u qaadeysa welwelka laga qabo faafitaanka COVID-19 ee waddamada saboolka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here