Kiisaska koroona ee dalka oo ku dhaw 20,000

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta xaqiijisay 788 xaaladood oo ah cudurka Covid-19, tirada guud ee kiisaska ayaa hadda gaaray 19,913.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka Dr Rashid Aman ayaa sheegay in tirada ragga ay aad u sarreeyso marka loo barbar dhigo haweenka isla markaana loo baahanyahay inay isticmaalaan cunto nafaqeysan.
Mr. Aman ayaa ku baaqay in la iska ilaaliyo sigaarka, khamriga iyo in la sameeyo jimicsi aad u badan.
Waxaa uu xusay in 475 ka mid ah kiisaska la xaqiijiyay ay yihiin rag halka 313 ay yihiin dumar.
Saddex ka mid ah 788 qof ee laga helay caabuqa ayaa ah ajaanib halka inta kale ay yihin Kenyaan.
Dhanka kale waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka ka bogsaday 100 qof halka 14 ay u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here