Kiisaska Kufsiga ee Kenya oo korartay

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay sii kordhayaan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha yar yar tan iyo bishii Maarso oo uu xanuunka Corona Virus Kenya ka dilaacay.
Ugu yaraan 5000 oo kiis oo la xariirta kufsiga ayaa la diiwangaliyay tan iyo bishii seddexaad ee sannadkan.
Waxaana falalka kufsiga ah lagula kacay gabdho ay da’doodu ka yartahay 18 sano jir.
Xoghayaha maamulka u qaabilsan wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in boqolkiba 7 ay kordheen xadgudubka lagula kaco dumarka aan qaangaarka ahayn .
Laga soo bilaabo bishii Maarso ila bishii June ee sannadkan waxaa sare u kacday xaaladaha kufsiga ee dalka marka lala barbardhigo sannadkii hore 2019-kii.
Tirakoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in boqolkiba 30 ay sare u kaceen kiisaska kufsiga ah ee ismamaulada kala ah Wajeer, Kisii, Lamu, Turkana, Homa Bay iyo Kisumu.
Dr Mwangangi ayaa ugu baaqday qof walba oo Kenyaan ah inuu ilaaliyo gabdhaha oo kaliya aan la eegin kiisaska Corona Virus ee dalka ku sii faafaya.
Dowladda ayay sheegtay inay u fidinayso caawimaad ay siinayso gabdhaha dhibanayaasha ah ee loo gaystay kufsi.
Iyadoo ay xiran yihiin skuulada ayaa cabsi laga qaba inay sii kordhaan xadgudubka ay la kulmayaan dumarka da’da yar.
Tan iyo markii xaaladii ugu horaysay Covid 19 Kenya laga helay waxaa kor u kacday dhibaatooyiinka qoyska,xadgudubka loo gaysto carruurta yar yar iyo dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here