Kiisaska maalinlaha ee India oo kordhay

Dowladda dalka India ayaa sheegtay inay diiwaangelisay sare u kac dhanka xaaladaha maalinlaha ee fayraska corona.
Wasaaradda caafimaadka ee India ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la diiwaangeliyay xaalado cusub oo dhan 69,652 .
Sido kale 997 qof oo dheeraad ah ayaa cudurka COVID19 ugu dhintay gudaha wadankaas.
Tirada xaaladaha coronavirus ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay India ayaa ah midda saddexaad ee ugu badan caalamka marka laga soo tago wadamada Maraykanka iyo Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here