Kiisaska Maalinlaha kuwii ugu badnaa oo dalka laga diiwan galiyay

Kenya ayaa diiwaan galisay dhimashadii ugu badnayd ee la xiriirta Xanuunka covid-19 hal maalin gudaheeda ah,ka dib markii manta la diiwaangaliyay 10 bukaan oo u dhinteen Viruska Corona.
Taasi waxay ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dadka gudaha dalka u dhintay xanuunka COVID-19 118.
Todoba ka mid ah bukaaanada u geeriyooday xanuunka COVID-19, wasaaradda ayaa sheegtay in afar bukaan ay qabeen xanuunka macaanka, hal qof dhiig kar, hal qof kansar iyo midkam kale oo qabay cudurka HIV/AIDS
Xili manta uu akhrinaye warbixinta maalinlaha, Xoghayaha maamulka Wasaaarada caafimadka Rashid Aman ayaa sheegay in 213 xaaladood oo cusub la diiwaan galiyay 24 ee la soo dhaafay ka dib markii la baaray 6,024 oo dheecaan taasi oo ka dhigeyso tirada guud 4,257.
Wasaarada ayaa sido kale waxay xaqiijisay in 106 -bukaan ah ka caafimaadeen xanuunka lagana soo saaray isbitalka taasi oo ka dhigeyso tirada guud 1,459.
Kiisaska cusub ayaa waxaa laga diiwaan geliyay ismaamulada kala ah Nairobi (136) Mombasa (32) Kajiado (13), Kiambu (7), Busia (5) Nakuru (4) Machakos (4), Garissa (3), Isiolo (3), Taita Taveta (2), iyada oo ismaamulada Kitui, Migori, Narok iyo Embu laga xaqiijiyay min hal kiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here