Kiisaska fayraska Corona oo kor u dhaafay 37,000

Kenya ayaa manta waxa laga diiwaan galiyay 98 xaaladood oo Viruska Corona ah ka dib markii la baaray dheecanada 1644 qof afa iyo labaatankii saac ee anu soo dhaafnay, taasi oo ka dhigeyso wadarta guud 37, 079 tirada guud ee dadka uu haleeyay xanuunka
Ila hada waxa la baaray dheecanada 518,350 tan iyo Bishii March.
Xoghayaha mamaulka Wasaarada Caafimadka Dr. Rashid Aman, ayaa war saxafadeed ku sheegay in dhamaan bukaanada yihiin Kenyan marka laga reebo laba ajaaniib ah.
Kiisaska 98-da waxa ka koobanyihiin 63 rag ah iyo 35 dumar ah, kan ugu yar 9 -sano jir halka kan ugu wayn da’adiisu tahay 75-sano.
Kiisaska waxa laga diiwaan galiyay ismaamulada kala ah Nairobi 32, Mombasa 20, Meru,Uasin Gishu min (8) kiis, Kiambu (5), Kisumu, Migori iyo Machakos min afar (4) kiis, Elgeyo Marakwet, Kilifi, Taita Taveta iyo Murang’a min (2) kiis, Garissa, Kwale, Samburu iyo Nakuru (1) min hal kiis.
Nairobi, 32 kiis waxa laga diiwaan galiyay deeganada kala ah bariga Embakasi 5, Woqooyiga Dagoretti iyo Westlands min (4) kiis, Bartamaha Embakasi, Kamukuji iyo Royambu min (3) kiis, Konfurta Dagoretti, galbeedka Embakasi, Kasarani iyo Langata min (2) kiis.

Cudurka ayaa waxaa ka caafimaaday 66 qof wadrta guud ee bogsashada ayaa ah 23,949.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here