Kiisaskii ugu badnaa Abid oo maanta Kenya laga diiwan galiyay

Wasarada cafimaadka ee dalka ayaa 24-kii saacadood ugu dambaysay diiwan galisay tiradii ugu badneyd abid tan iyo bishi 3 aad ee sanadkan oo uu COVID-19 Kenya ka dilaacay.
497 qof aya laga helay coronavirus taas oo tirada guud ka dhigeysa 10,791 ruux.
Kiisaskaan ayaa la xaqiijiyay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dheecaan dhan 4,992.
Dadka u dhintay Corona dalka ayaa tiradoodu gaartay 202 ka dib markii maanta 5 qof oo dheeraad ah ay u geeriyoodeen.
71 qof oo hor leh ayaana ka caafimaaday xanuunkan taas oo bogsashada guud ka dhigtay 3,017.
Guud ahaan caalamka kiisaska Corona waxaa ay gaareen in ka badan 13 million waxaana ka caafimaaday 7.3 million iyadoona ay u dhinteen in ka badan 573,000 qof sida ay muujinayso xogta ay aruurisay jaamacada Johns Hopkins University.
Dhimashada ugu badan caabuqan waxaa laga soo tabiyay dalalka Maraykanka, Brazil, Ingriiska, Mexico iyo Italy .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here