Kiisaskii ugu badnaa Corona oo dalka maanta laga diiwangaliyay

Maanta waxaa dalkani Kenya laga xaqiijiyay kiisas dhan 307 oo cudurka Corona Virus ah waana tiradii ugu dabneyd ee wadanka laga diiwangaliyo maalin kali ah tan iyo intii uu dalka ka dilaacay fyruuskan halista badan.
Kiisaskan la xaqiijiyay ayaa timid ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay dad gaaraya 3,519 qof.
Tirade dadka uu ku dhacay COVID-19 dalka ayaa maanta sare u kacday taas oo gaartay 6,673.
Dadka xanuunkan maanta laga helay 289 waa kenyaan halka 18-ka kalena ay yihiin dad ajaaniib ah.
Dad gaaraya ila iyo 50 ayaa isbitaalada laga saaray ka dib markii ay ka caafimaadeen caabuqan bogsashada guud ayaa maraysaa 2,089 dhinaca kalena 1 qof oo dheeraad ah ayaa maanta u geeriyooday cudurka Corona Virus taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 149.
Nairobi 154, Mombasa 38, Machakos, 33, Kiambu 20, Narok 20, Kajiado 14, Busia 10, Kericho 4, Makueni iyo Nakuru MIN 5 cases, Kilifi, Kisumu, Kitui iyo Uasin Gishu MIN (1) case.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here