Kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus oo laga helay Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa Corona lagu arkay Gudaha dalkaasi,xilli horay dalal badan oo ka tirsan Afrika looga helay Cudurka Coronavirus.
Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye ayaa xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka Jabuuti gaaray 14-kii bishan.
Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalkani Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya,waxaana uu walaac xoogan ku abuurey dalal badan oo ku yaalla Yurub Ameerika iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here