Kim Jong Un oo raali gelin ka bixiyay dil loo gaystay sarkaal u dhasay Kuuriyada Koofureed

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa raaligelin ka bixiyay dil shalay loo gaystay sarkaal u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap maanta iyada oo soo xiganaysa xafiiska madaxweynaha..
Sarkaalka ayaa la sheegay in la toogtay isagoo u baaxsanayay dhanka Waqooyiga xilli ciidamada ilaalada ee Kuuriyada Waqooyi oo howlgal ka sameynayay badda.
Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in sarkaalka la dilay shalay oo ay toogteen ciidamada Kuuriyada Waqooyi meydkiisana ay gubeen.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa u sheegay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in inuu aad uga xunyahay dilka sarkaalka islamarkana ay khalad aheyd in la dilo.
Waqooyiga ayaa sheegtay inay sameysay baaritaan iyada u gaar ah ee ku saabsan dhacdadan waxayna ogaatay in askarta ku dhow xuduudda badda galbeed ay ugu yaraan 10 xabadood ku dhufteen sarkaalka u dhasay Kuuriyada Koonfureed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here