Kirinyaga oo laga diiday hindisaha wax looga beddelayo dastuurka

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa dhinac isaga dhigay hindise sharciyeedka uu soo saaray madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ee la doonayo in wax looga beddelo dastuurka wadanka u degsan.
OIolahan ayaa loogu magacdaray Punguza Mizigo oo ay micnaheedu yahay hala yareeyo culeyska dhanka hoggaanka.
Waxyaanaha uu soo jeedinayo waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka sido kalena meesha laga saaro xilalka magacaabidda ee golayaasha kala duwan.
Hindisahan waxaa wakiilada hor dhigay hoggaamiyaha aqlabiyadda ee golahaasi Kirinyaga Kamau Murango hasa ahaate waxaa isla markiiba ka soo horjeestay siyaasiyiin uu ka mid yahay wakiilka deegaanka hoose ee Murinduko, Evans Ndege.
Mas’uulkan ayaa la doonayay inuu noqdo qofka labaad ee taageero soo jeedinta Aukot balse maadaama uu diiday waxay tani micnaheedu tahay inaan laga sii doodi Karin oo la hakinayo muddo 6 bilood ah.
Bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa gudaha wadanka ka jirtay hadal hayn ku aaddan hindisahan iyadoo siyaasiyiinta qaar ay soo dhaweyeen halka kuwa kalena ay doorbidayaan in laga war sugo guddiga dib u heshiisiinta ee BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here