Knec oo soo saartay jadwalka qiimeynta lagu sameenaya ardayda fasallada 8-aad iyo 4–aad

Guddiga golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa soo saaray jadwalka imtixaanka ee ardayda dhigta fasallada 8-aad iyo 4-aad ee dugsiyada hoose dhexe oo dhawaan dib ugu laabtay goobaha waxbarashada ayaa lagu waada in ay maraan qiimeyn taclineed maalinta Isniinta ee toddobaadkan.
Qiimeynta oo ay qaadi doonaan saraakiisha Golaha Imtixaanada Qaranka ee (KNEC) ayaa looga gool leeyahay in lagu xaqiijiyo habdhaqanka ardayda kaddib dib u furka dugsiyada dalka iyo sida wax looga qaban karo waxyaabihii dhanka aqoonta ee ka lumay ardayda.
Barayaasha ayaa sidoo kale laga doonaya inay xaqiijiyaan tirada ardayda ee dugsiyada ku laabtay oo ayna ogadaan halka ay jiraan ardayda maqan.
Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ayaa waxaa lagu qiimeyn doonaa dhammaan maadooyinka ay ku sameyn doonaan imtixaanka qaran ee KCPE halka kuwa dhigta fasalka 4-aad ee dugsiyada hoose dhexe lagu qiimeyn doono maadooyinka kala ah xisaabta ,ingiriiska, sawaaxiliga, culuunta arrimaha deegaanka, Sayniska iyo tiknolojiyadda.
Ardayda fasalka afaraad ayaa la qiimeyn doonaa inta u dhaxeysa maalamaha Isniinta ilaa Khamiista halka ardayda fasalka sideedaad qiimeyntoodu ay qaadan doonta saddex maalmood.
Maalinta koowaad ee ku beegan Isniinta , ardayda fasalka afaraad waxaa lagu qiimeyn doonaa maadada Ingiriisika gaar ahaan ku hadalka iyo akhrinta iyadoo arday kasta la tijaabinayo min 10 daqiiqo.
Ardayda qaba baahiyaha gaarka ah ee araga la’a waxaa la imtixaami doonaa 15 daqiiqo midkiiba gaar ahaan maadada Ingiriisiga halka kuwa maqalka naafadada ka ah lagu qiimeyn doona min 10 daqiiqo.
Madaxa fulinta ee golaha KNEC Dr. Mercy Karogo ayaa sheegtay in qiimeynta ay ku sabsanaan doonto casharradii uu qorshuhu ahaa inay ardayda qaataan ilaa bishii saddexaad ee sannadkan xiliigaasi oo goobaha waxbarashada irdaha la isugu laabay si looga hortagga faafitaanka cudurka Coronavirus.
Waxay dhanka kale sheegtay in qiimeynta ardayda fasallada koowaad, labaad, sadeexaad, ilaa Toddobaad ee dugsiga hoose dhxe ayagana la qiimeyn doona marka ay dugsiyada dib ugu laabtan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here