DHAGEYSO:KNUT oo dalbatay in la caddeeyo jadwal sanadeedka waxbarashada

Ururka qaran ee macallimiinta dalka (KNUT) ayaa wasaaradda tacliinta ka dalbaday inay soo saarto jadwalka loo adeegsan doono howlaha waxbarashada marka dugsiyada dib loo furo.
Dugsiyada dalka ayaa xiran tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sanadkan xilligaas oo gudaha Kenya laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee caabuqa corona.
Xoghayaha guud ee ururka KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa dhanka kale sheegay in la doonayo in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loo furo goobaha waxbarashada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in cudurka COVID19 uu u muuqdo mid weli sii jiraya sidaas awgeedna aysan suurtagal ahayn in dugsiyada ay sii xirnaadaan oo ardayda laga lumiyo wakhti dheeraad ah.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo shalay jaamacadaha iyo machadyada farsamada ee dalka ay dib u billaabeen howlahooda iyadoo loo marayo wajiyo kala duwan.
Mr. Sossion ayaa dowladda ugu baaqay inay xaqiijiso in si buuxda loogu hoggaansamayo tallaabooyinka lagu xakameynayo faafidda cudurka COVID19 si loo badbaadiyo nolosha ardayda iyo macallimiinta.
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Lurambi ee ismaamulka Kakamega Titus Khamala ayaa wasaaradda waxbarashada ugu baaqay inay soo saarto lacagaha loogu talagalay dayactirka kaabayaasha dugsiyada.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayuu ku eedeyay inuu xoogga saarayo kormeerka dugsiyada iyadoo sida uu hadalka u dhigay aan maamulayaasha xarumahan lagu wareejin lacagaha ay u adeegsan karaan tallaabooyinka dowladda ee lagula dagaalamaya cudurka COVID19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here