KNUT oo soo jeedisay inay jiraan laba madaxweyne ku xigeen

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT oo la kulmay xubnaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ayaa ku taliyay in la ballaariyo golaha fulinta ee dowladda.
Waxyaabaha KNUT ay soo jeedisay waxaa ka mid ah in wadanka uu yeesho laba madaxweyne ku xigeen, ra’iisul wasaare iyo ku xigeenadiisa oo labo ah.
Qasnad hayaha qaran ee ururka KNUT , John Matiangi ayaa shaaca ka qaaday in jagooyinkan ay suurtagelin doonaan in wadanka ay ka jirto sinnaan dhanka qowmiyadaha ah si loo dareemo in dowladda laga wada dhex muuqdo.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dadweynaha iyo siyaasiyiinta dalka ay weli siyaabo kala duwan uga hadlayaan dhaqangelinta warbixinta guddiga BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here