KNUT oo wasaaradda shaqaalaha u gudbisay cabasho ka dhan ah TSC

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa wasiirka wasaaradda shaqaalaha Simon Chelugui u gudbiyay codsi ah inuu soo farageliyo xaalad ay dalladdan wajahayso
Xoghayaha guud ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay in wasiirka laga doonayo inuu ku dadaalo sidii looga hor tagi lahaa in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu carqaladeeyo ururkan.
Sossion ayaa TSC ku eedeynaya inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee KNUT si loo caburiyo saraakiisha dhaliila.
Wilson Sossion ayaa wasiirka shaqaalaha Mr. Chelugui weydiistay inuu awoodiisa adeegsado oo uu TSC ka hor istaago faragelinta KNUT ay ka cabanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here