Kolonyo AMISOM oo qarax lagula beegsaday Muqdisho

Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Barqanimadii Maanta waxaa qarax Miino lagula eegtay agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la sheegay inay sahay ama raashin u wadeen Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo ku sugan degmada Hurwaa ee Gobolka banaadir, waxaana qaraxa kadib ay ciidamada fureen rasaas farabadan.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay warbahainta Gudaha u sheegeen in rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamada AMISOM ay ku geeriyoodeen wade Gaari Dameer, iyo labo Haween ah oo ay rasaastu ugu tagtay Hooygeeda halka ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo kale oo Shacab ahaa.
Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kaddib muddo saacado ah wadada Xiray waxayna intaas kadib sii wateen socdaalkooda, waxaana weli la xaqiijin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here