Koonfur Afrika oo diiwaangelisay kiisakii ugu badnaa ee maalinla ah

Dowladda Koonfur Afrika ayaa xaqiijisay 10,000 oo ah xaaladaha dheeraad ee fayraska corona.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed la diiwaangeliyo.
Kiisaska guud ee Koonfur Afrika ayaa hadda ah 187,977.
Waana dalka kiisaska ugu badan laga xaqiijiyay qaaradda Afrika.
Dhimashada ka dhalatay cudurkan ee dalkaasi ayaa kor u dhaaftay 3,000 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here