Koonfur Afrika oo fududeysay xayiraadda corona

Dowladda dalka Koonfur Afrika ayaa maanta qafiifisay xayiraad looga hor tagaya faafidda fayraska corona.
Xayiraaddan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu adkaa caalamka ee dhanka isku socodka ayaa jirtay shan bilood.
Tani ayaa timid kaddib markii ay yaradeen kiisaska cudurka COVID19 ee halkaas laga diiwaangeliyay.
Waxaa dib loo furay baararka , maqaayadaha, goobaha cibaadada iyo goobaha jimicsiga oo aynan isugu tagin karin dad ka badan 50 qof.
Sido kale dowladda dalkaas ayaa ogolaatay in la iibiyo khamriga iyo sigaarka.
Sido kale laga billaabo 24-ka bishan waxaa si tartiib ah loo furayaa dugsiyada wadanka Koonfur Afrika.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here