Koonfur Afrika oo kordhinaysa daryeelka bulshada

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dowladiisa ay sare u qaadi doonto daryeelka loo fidinayo qoysaska danyarta ah ee ay saameynta ka soo gaartay xayiraadda dhanka isku socodka taasoo lagu xakameynayo faafitaanka coronavirus Mr. Ramaphosa ayaan caddeyn qaabka ay arrintan u wajahayaan hasa ahaate qaar ka mid ah dadka ku takhasusay arrimaha dhaqaalaha iyo sido kale uruuurada shaqaalaha ayaa doonaya in lacago la bixiyo.
Kiisaska Coronavirus ee Koonfur Afrika ayaa ah 3,158, halka dhimashadu ay tahay 54.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here