Koonfur Afrika oo laga xaqiijiyay in ka badan 500 oo dhimasho cusub ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay xaqiijisay kiisas dhimasho oo hor leh oo ah kuwa cudurka COVID19 oo dhan 572.
Tani ayaa tirada guud ee dhimashada ka dhalatay cudurka ee wadankaas ka dhigtay 5,940.
Wasiirka caafimaadka ee Koonfur Afrika Zweli Mkhize ayaa sheegay in dalkaas uu yahay midka ay saameynta ugu badan ee qaaradda Afrika ka soo gaartay cudurka .
Xaaladaha guud ee halkaas laga diiwaangeliyay ayaa hadda ah 394,948 halka 229,175 bukaan ay cudurka ka caafimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here