Koonfur Afrika oo qaaday qeyb ka mid ah xayiraadda

Dowladda dalka Koonfur Afrika ayaa maanta oo isniin ah qaadday qeyb ka mid ah xayiraadii soo jirtay labadii bilood ee la soo dhaafay.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in dib loogu furo dhaqaalaha wadankaas.
Dadweynaha ayaa loo ogolaaday inay shaqooyinkooda aadaan , soo dukameystaan , goobaha cibaadada iyo jimicsiga tagaan .
Meelaha macdanta laga soo saaro iyo warshadaha kala duwan ayaa sido kale si dhamaystiran u shaqeyn doono.
Koonfur Afrika waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 32,000 oo ah xaaladaha coronavirus iyo dhimasho ka yar 700 oo la xiriirta cudurka Covid-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here