Koonfur Afrika oo xayiraado soo saartay

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in wadanka lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa ah .
Amarkan ayaa shaqeynaya muddo 21 cisho ah waxaana looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafidda coronavirus.
Waxay tani ku soo aadday kaddib markii dowladda dalkaas ay sheegtay in kiisaska cudurka Covid-19 ee halkaas laga xaqiijiyay ay tiro ahaan gaareen 402 halka maalin ka hor ay ahaayeen 274 .
Amarka cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa dhaqangalaya saqda dhexe ee Khamiista oo ay taariikhdu tahay 26-ka bishan.
Mr. Ramaphosa ayaa intaas ku daray in ciidamada milatariga la howlgelinayo si ay tani u dhaqangeliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here