Koonfur Galbeed oo ciidamadii ugu horeeyay loo tababaray.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la hadlay ciidamo Tababar dhamaystay ayaa sheegay in ciidamadaan ay ku soo beegmeen xili baahi badan loo qabo lagana doonayo inay si wanaagsan waajibaadkooda u gutaan.
Ciidamo Gaaraya 400 oo ka mid ah booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo Tababar Muqdisho loogu soo xiray ayuu la hadlay Madaxweyne lafta Gareen wuxuuna kula Dardaarmay inay bulshada ugu shaqeeyaan waxay soo barteen.

Maamulka Koonfur Galbeed uu dhisan mudo gaaraysa 6 Sano ayaan horay u lahayn ciidamada Booliska gaarka ah kuwaan ayaana noqonayo ciidamadii ugu horeeyay ee booliska Gaarka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here