Koonfur Galbeed oo diyaarinaysa Ciidamo wadooyin xiran furay.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in 1-dii Bishaan Juun oo Maalmo ka hor ahayd ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kusoo wareejisay Ciidamo ay u tababartay koonfur Galbeeed,kuwaasoo hwolgallo ka fulin doona deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ee wali ay ku sugan yihiin xubnaha Daacada u ah dagaalameyaasha Al-shabaab.
Madaxweyne Lafta Gareen Waxaa uu sheegay in hay’adaha Caalamiga ah ee Soomaaliya ka Caawiya dhanka Amniga ay tegi doonaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed si ay diiwaangelin sax ah ugu sameeyaan Ciidamada Koonfur Galbeed oo dib u abeyn balaadhan lagu sameyn doono loona xaqiijin doono xaquuqdooda ciidanimo.
Sidoo kale Madaxweyne laftagareen waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidamada lagu soo wareejiyay iyo kuwa dowladda ay howlgal wado furis ah ka fulin doonaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Tan iyo markii la dhisay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa madaxda Maamulkaas waxaa ay ku cel celinayeen in la isku furi doono wadada xiriirisa Magaalooyinka muqdisho iyo Baydhabo balse aysan ku guuleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here