Koonfur Galbeed oo mamnuucday shirarka siyaasadeed ee ka dhan ah dowladda federaalka

Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa billaabay qorsho looga hor tagayo in la qabto shirarka siyaasadeed ee mararka qaar lagu qabto deegaannada Maamulkaas kuwaas oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa qorshaha shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in maamulkaasi uunan marnaba oggolaan doonin in guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed lagu qabto shirarka siyaasadeed ee ka dhanka ah dowladda federaalka.
Waxaa uu dhammaan maamulada degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada ku wargeliyay inay si buuxda u fuliyaan amarkan.

Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa uu kamid yahay maamulada ka jira dalka soomaaliya ee si weyn ula dhacsan ama siyaasad ahaan u muuqdo inay iswaafaqsanyihiin madaxda dowladda federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here