Koonfur Galbeed oo toogatay rag ku eedaysnaa inay caruur fara xumeeyeen.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaas Maanta lagu toogtay labo nin oo la sheegay inay kufsi u gaysteen ama Faraxumeeyeen labo wiil oo yar yar dhacdadaas oo shalay laga soo tabiya Magaalada Baydhaba.
Labada Wii lee dhibaatada shalay loo gaysta ayaa la sheegay in midkood Geeriyooday halka kan kalena la dhigay Isbitaalka Guud ee Magaalada Baydhaba.
Raga falkaan gaysta ayaa midkood lagu sheegay inuu ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya Qaybtiisa Lixdanaa halka midka kalena lagu sheegay inuu ahaa qof shacab ah oo ku Noolaa Magaalada Baydhabo.
Arintaan ayayna si aad ah ula yaabeen shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo ku nool gobolka Bay iyo magaalada Baydhaba kuwaasoo si aad ah u hadal hayay.
Wararka ayaa sheegaya in go’aanka ragaan lagu toogtay ay gaareen gudiga amniga e Koonfur galbeed Soomaaliya,waxayna arintaas ku soo aadaysaa ayadoo bilo ka hor Magaalada Baydhaba laga soo tabiyay dhacdo midaan la mid ah oo la sheegay in lagu fara xumeeyay wiil yar kaasoo isbitaalka loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here