Koox doonaysa in la xaqiijiyo badbaadada Kenyaanka qurbajoogta ah

Hay’ad u ololeysa xeerarka arrimaha dibadda oo uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa dowladda dhexe ugu baaqday inay xaqiijiso badbaadada muwaadiniinta ku nool dalka dibadiisa.
Hay’ddan ayaa lagu magacaabaa (IRSK) waxayna sheegaysaa inay lagama maarmaan tahay in Kenya ay lahaato xeer lagu ilaalinaya badqabka qurbajoogta.
Baaqan ayay hay’addan jeedisay xilli ay ka jawaabaysay eedeymo loo jeediyay wasaaaradda arrimaha dibadda ee wadanka oo ku aadda Kenyaan ku xayiran dalka Lubnaan.
Hasa ahaate safaaradda Kenya ee dalka Kuwait oo sido kale qaabilsan arrimaha Lubnaan ayaa sheegtay in dadka halkaas ku xanniiban ay diideen inay si dhow ula shaqeyaan saraakiisha qunsuliyadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here