Koox Hubaysan oo dad shacab ah ku laayay shabeellada dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay Saaka macalimiin dugsi qur’aan ku laayeen degmada Cadale ee gobolka shabeelada dhexe, sida uu warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegay mid ka mid ah Maamulka degmadaasi Cadale.
Tirada macalimiinta lagu dilay deegaan ku dhow degmada Cadale ee gobolka shabeellada dhexe ayaa waxaa la sheegayaa inay gaarayaan ku dhawaad 5 qof, waxaana la sheegay in xiliga la dilayay macalimiinta ay subac ku jireen.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dilka loo geystay macalimiintaas, iyadoona la soo werinayo in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.
Macalimiinta maanta lagu la dilay gobolka shabeelada dhexe ayaa waxaa lagu sheegay Magacyadooda.
Sheekh Daahir Xasan Cali iyo Ow Muxumud Xasan Calli oo Wada dhashay sidoo kale Macalim Maxamuud Canbuure,Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe iyo Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka shabeellada dhexe, kan Hirshabelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ama ciidamada amaanka ee gobolkaas ku sugan.
Dhanka kale Maamulka deegaanka Raage ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa ka hadlay culimo saaka lagu laayay deegaankaas.
Waxay sheegeen in markii hore goobta shan qof lagu dilay labana la dhaawacay kadib markii dhaawicii las oo qaadayna qofkale uu ku dhinta wadada u dhexaysa Muqdisho iyo shabeelada dhexe.
Gudoomiye deegaanka Raage Ceelle wuxuu warbaahin dowlada Soomaaliya u sheegay in Maamulka iyo Ciidamada amaanka ee Halkaas ku sugan ay bilaaben baadi goobka Kooxda dhibaatada u gaysatay Culimadaas ayna rajaynayaan inay dhawaan Gacanta ku soo dhigi doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here