Koox hubeysan oo soo siidaysay dad ay ka afduubatay Nigeria

Koox hubeysan oo ka dagaalanto gudaha wadanka Nigeria ayaa lagu soo warramayaa inay soo siidaysay saddex ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo dad shacab ah oo ay horay u qafaashtay.
Dadkan dib u helay xuriyadooda ayaa la afduubtay 22-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore.
Isku duwaha arrimaha bani’aadanimada ee qaramada Midoobay dalka Nigeria Edward Kallon ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu soo daayay la haystayaasha.
Dabayaaqadii sannadkii tagay ayay ahayd markii dagaalyahaano ciidamo iskadhigaya ay joojiyeen kolonyo baabuurta xamuulka ah oo marayay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Monguno iyo Maiduguri.
Nigeria waxaa tan iyo sannadkii 2009-kii saameeyay falalka kooxo hubeysan oo ay Boko Xaraam ka mid tahay.
Weerarada ay gaysanayeen ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 35,000 qof halka 7.1 milyan oo kalena ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo kaddib barakac ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here