Kooxa ka tirsan Al-Shabaab oo waxyeelo ka soo gaartay miino ay dhulka ku aasayeen

CIiidamada amaamka dalkani Kenya ayaa waxay sheegeen in saddex ka mid ah kooxa ka tirsan xerakada Al-shabaab xilli ay miino dhulka ku aasayeen wadada u dhaxeyso deegaanka Faafi iyo Garissa ay miinadii la qaraxday.
Waxayna sheegeen in saddex ka mid si deg deg halkaasi ugu dhinteen halka afar kale halkaasi kaga dhaawacantahay.
Waxay warbixintu ciidamada booliska ay soo saareen sheegtay in afartii dhaawac ahayd gaari nuuciisa loo yaqaano Pick up ee dalka soomaaliya laga leeyahay islamarkaana ah laba shir lee ah uu ka soo galay xuduuda dalka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagan.
Afarta dhawaac ee Al-shabaa ayaa la sheegay in loo la cararay Soomaaliya.
Sirdoonka dalkani Kenya ayaa sheegay in arrintaan ay tahay mid guul ah gacantoodana ay haatan ay tahay mid ay isku halaageen.
Qaraxaan ayaa la doonayay in lala beegsado ciidamada waddoyinkaas addeegsada si ay roondooyin halkaasi uga sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here