Kooxaha ku dagaalamaya Liibiya oo heshiis gaaray

Afhayeen u hadlay qaramada midoobay ayaa sheegay in kooxaha ku dagaalamaya wadanka Liibiya ay maanta saxiixdeen heshiis xabad joojin.
Tani ayaa timid kaddib wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Ergeyga ku meel gaarka ah ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan Liibiya Stephanie Williams ayaa sheegtay inay rajeynayso in xabad joojinta ay horseedi doonto in dib la isugu furo marinnada dhanka hawada iyo dhulka.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay dib u biilowdeen duulimaadyada u dhexeya magaalooyinka Tripoli iyo Benghazi.
Dagaallamayaasha shisheeye iyo dhinacyada hubeysan ayaa sidoo kale Liibiya kaga bixi doono muddo saddex bilood gudahood ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here