Kooxaha ku dagaallamaya bariga dhexe oo nabad loogu baaqay

Danjirayaasha qaramada midoobay ee Suuriya, Yemen , Lubnaan , Ciraaq, Falastiin iyo Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen waxay kooxaha iska soo horjeeda ee ku dagaallamaya wadamada bariga dhexe ugu baaqeen inay xabadjoojin sameeyaan.
Dhinacyada is haya ayaa lagu booriyay inay diiradda saaraan la dagaalanka cudurka Coronavirus.
Waxay bayaanka ku sheegeen in hadii aan colaadda la joojin aan lagu guulaysan Karin la tacaalidda cudurkan ee bariga dhexe.
23-kii bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres uu ku baaqay in si degdeg ah xabad joojin loo dhaqangeliyo waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah kooxaha ay taasi u tixgeliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here