Kooxda fallaagada ee uu hoggaamiyo Xaftar oo weeraray markab marayay xeebaha Libya

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-02-18 14:04:08Z | http://piczard.com | http://codecarvings.comÆÔÿðpXÀú

Kooxda fallaagada ee daacada u ah Janaraal Khalifa Xaftar ee ka soo horjeedda dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya ayaa sheegtay inay qarxiyeen markaab kaas oo sid a ay hadalka u dhigeen hub ka siday dalka Turkiga.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu jiro heshiis xabad joojin ah oo uu dhaxeeyay labada dhinac.
Dowladda Liibiya ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa sheegtay inay ka bixi doonto dadaaladii lagu dhex dhaxaadinayay iyada iyo ciidamada taabacsan Xaftar si loo gaaro heshiis xabad joojineed.
Saraakiisha Turkiga ayaa dhankooda sheegay in uu jirin markab ay leeyihiin oo marayay xeebaha Libya xilliga weerarka.
Shacabka ku nool caasimada Libya ee Tripoli ayaa lagu soo waramaya inay muujinayaan cabsi ku aaddan xaalada sii xumanaeysa.
Dalka Liibiya oo qani ku ah saliida ayaa waxaa ka jiray colaad tan iyo sannadkii 2011-kii xilligaas oo la dilay hoggaamiyihii mudaha dheeraa Mucamar Al- Qadaafi.
Bishii Janaayo ee sannadkan ayaa waxaa magaalada Berlin ee wadanka Jarmalka lagu qabtay shir kaas oo looga arrinsanayay aayaha Liibiya.
Waxaa xilligaas lagu baaqay in dawladdaha faragelinta ku haya Liibiya ay joojiyaan sido kalena ay dhaqangasho xabad joojin labada dhinacba ay u hoggaansamaan.
Xukuumadda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ayaa taageero ka hesha dowladaha Turkiga, Qadar iyo Taliyaaniga halka kooxda fallaagada ee Xaftar ay taageero ka helaan wadamada kala ah Isutaga Imaaratka Carabta, Masar, Faransiiska iyo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here